Cadaalad

Macallin jaamacadeed  ka dhigayay maaddada sharciga ayaa maalinkii ugu horreysay ee fasal soo galay wuxuu arday safka hore fadhiyay waydiiyay magaciisa, markii uu u sheegayna wuxuu macallinkii fasalka ka ceyriyay

ardaygii.





Macallinkii cashirka ayuu billaabay, wuxuuna ardayda

waydiyay "Maxaa sharciga loo dejiyay?" Arday ayaa ku jawaabay "Waxaa loo dejiyay in dadka lagu kala celiyo." Arday kalena wuxu ku jawaabay "Si uusan

kan xoogga leh u dulmin kan tabarta yar."

Macallinkii ayaa inta madaxa jiljilay, wuxuu viri "Weli idinkama hayo jawaabtii aan rabay." Gabar kale ayaa gacanta taagtay, waxayna tiri "Sharciga waxaa loo dejiyay in dadku sinnaado, oo caddaalad dadka lagu kala maamulo." Markaas ayuu yiri "Haah, sharciga waxaa loo dejiyay si aan la isu dulmin, oo caddaaladdu u shaqeyso." Macalinkii ayaa mar kale ardayda waydiiyay "Oo maxaa laga faa'iidayaa

caddaalad?" Arday ayaa ku jawaabay "In dadka la simo, si uu qof kasta xuquugdiisa u helo, oo aan cidna

loo dulmin."

Macallinkii ayaa ardayda waydiiyay "Oo anigu ma dulmiyay saaxiibkiin markii aan fasalka ka ceyriyay?"

Hal mar ayay wada dheheen "Haah, waad dulmisay." Macallinkii ayaa si kulul u yiri "Oo haddii aan dulmiyay maxaad u aamusteen oo uga hadli weyseen markii aan ardaygaas hortiinna ku dulminayay? Oo muxuu

sharcigu tarayaa haddii aan la helin geesinnimo lagu dhaqangeliyo?!" Haddii aadan ka guban oo aad ka aamusto qof hortaada lagu dulminayo, waxaa dhintay damiirkaada. 



Ee dadnimadiinna ilaashada oo ha

ogolaannina in qof agtiinna lagu dulmiyo."

Markaas ayuu bannaanka uga yeeray ardaygii,

wuxuuna ku raalligeliyay ardayda hortooda, wuxuuna

viri "Halkaas ayuu maanta cashirku noogu eg yahay, ee fadlan maantaba ka billaaba in aad cashirkaan ku dhaqangelisaan naftiinna, guryihiinna iyo

bulshadiinna"

Bogga Dr. Feysal Qaasim ayan kasoo ka soo qatay 

Comments

Popular Posts