What is health?
Waa maxay caafimaad ?
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu caafimaadka ku qeexay: "Xaalad ladnaan jireed, maskaxeed iyo bulsho buuxda sidoo kale meesha in ee San ka maqneen cudur ama jirro." [WHO qeexida caafimaadka]
Qeexitaanku wuxuu xooga saarayaa in caafimaadku uu yahay xaalad fayoobi guud ah oo ka kooban dhinacyada jidhka, maskaxda, iyo bulshada.
Caafimaadku waa kalmad leh macno kala duwan, laakiin dhamaantood waxay xuddun u yihiin fikradda ah fayoobida.
Halkaan waxaa ku falaqeen doona siyaabaha ugu muhiimsan ee loo isticmaalo caafimaad qabka. Inagoo ka istaagin doona dhinacyo kala duwan.
1) Caafimaadka jirka:
Inaad caafimaad qabtid jir ahaan macnaheedu waa in aad ka xorowdo jirro iyo cudur, iyo in aad yeelato jir xoog leh oo shaqeynaya.
2) Caafimaadka dhimirka:
Caafimaadka dhimirku wuxuu ka hadlaa caafimaadkada shucuureed iyo maskaxeed. Waxaa ka mid ah waxyaabo ay ka mid yihiin in la dareemo farxad, ammaan, iyo in xiriir wanaagsan lala yeesho dadka kale.
3) Fayo-qabka guud:
Caafimaadku maaha oo keliya dhinacyada jidhka ama maskaxda. Waxa kale oo ku jira waxyaabo ay ka mid yihiin noloshaada bulsho, deegaankaaga, iyo ujeedadaada nolosha.
Ugudanbeestii,
Caafimaadka sidoo kale waxaa loo isticmaali karaa in lagu qeexo waxyaabaha gacan ka geysta wanaagga, sida:
1) Cunto caafimaad qabta:
Waxaa muhiim ah in aad qaadato Cunto nafaqo leh oo jidhkaaga u roon.
2) Caado caafimaad leh:
Iyadana waxay qeeb ween ka qaadataa Hawlaha aad si joogto ah u samayso si aad u hagaajiso caafimaadkaaga jidhka ama maskaxda, sida cunista cunto dheeli tiran, jimicsi, iyo hurdo kugu filan.
Sidoo kale ka hortagan nuuckaste oo balwad caafimaad daro sida: sigaarka,qaadka, qamriga, xashiishka iyo wixii lamid ah.
3) Xiriirka caafimaadka qaba ee qooska :
Xiriirada taageerada leh sidoo kalana togan oo ah kuwo dhiblaheen oo is maqal leh. Waxay qeeb ween ka qaatan caafimaadka maskaxeed ee qofka biliaadanka.
Qoraa: Dr.dhaqane
Comments
Post a Comment